Xildhibaannada oo ansixiyey mooshin ku saabsan waxbarashada

0
289

Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyey isbeddel lagu sameynaya qaabka macallimiinta looga howlgeliyo deegaannada kala duwan.
Mooshinkan ayaa waxaa golaha xeer dejinta u soo gudbiyay mudanaha deegaanka Lurambi Titus Khamala.
Xubnaha baarlamaanka ayaa soo saaray go’aan guddiga adeegga macallimiinta ee TSC looga dalbanaya inuu sida ugu dhakhsiyaha badan u joojiyo nidaamka barayaasha uu uga wareejiyo deegaannada ay ka soo jeedaan si macallinka uu qayb kale oo wadanka ka mid ah wax uga dhigo.
Haddii arrintan la dhaqangeliyo, macallimiinta cusub ayaa laga shaqaaleysiin doonaa deegaanadooda halka kuwii horay meelo kale loo wareejiyay dib loo soo celinaya.
Nidaamkan oo la hirgeliyay sanadkii 2018 ayaa muran ka dhex abuuray macallimiinta iyo shakhsiyaadka daneeya tacliinta.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa tallaabada ay qaadeen u aaneeyay in TSC ay qorshahan ku dhaqaaqday iyadoo uunan jirin xeer rasmi ah oo loo cuskaday.