Murkomen: Waxaan aad ugu dhawahay inaan gacanta ku dhigo qandaraaskii amaahda ee lagu dhisay marinka (SGR)

0
394

Wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud Kipchumba Murkomen ayaa sheegay inuu aad ugu dhow yahay inuu gacanta ku dhigo qandaraaskii amaahda ee lagu dhisay marinka casriga ee tareennada ee (SGR).
Waxaa uu sheegay in kenyaanka ay xaq u leeyihiin in lala wadaago xogta qandaraaskan oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah kuwa wadanka ku hayo culeys dhanka deynta ah.
Murkomen ayaa ballanqaaday in ka dib marka uu helo dokumeentiga qandaraaska SGR, baarlamaanka uu yeelan doono fadhi dadweynaha lagula wadaagi doono heshiiskan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in lagu guda jiro qorshaha howlaha dekadda dib loogu celinaya Mombasa iyadoo la kaashanaya maamulka dekadaha dalka ee (KPA).