Xildhibaanno ka soo jeedo Wajeer oo dhaliilay magacaabid uu sameeyay madaxweynaha

0
461

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga UDA ee ismaamulka Wajeer ayaa dhaliil u jeediyay madaxweynaha wadanka ka dib markii uu soo xushay 51 qof oo uu doonaya in baarlamaanka uu turxaan bixiyo si ay u noqdaan xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda.
Xildhibaanka Waqooyiga Wajeer Ibraahim Saneey iyo dhigiisa Tarbaj Xuseen Barre ayaa ku doodaya inay dadaal ku bixiyeen in xisbiga uu codad ka helo ismaamulkaasi balse sidii la rabay aan loogu abaal gudin.
Dhaliisha ay jeedinayaan ayaa salka ku haysa qoonddada Wajeer ee golaha fulinta ee dowladda iyo hoggaanka baarlamaanka.
Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa madaxweynaha u gudbiyay liis ka kooban 250 qof balse waxaa uu ka soo dhex xushay 51 ka mid ah.
Shakhsiyaadkan oo haddii uu baarlamaanka ansixiyo qabanaya xilalka xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe ayaa waxaa ka mid ah 6 horay ula shaqeynayay madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta oo uu Ruto soo celiyay.
Waxaa ka mid ah xoghayihii wasaaradda dowlad wadaajinta
Julius Korir oo hadda xilkaasi ka haynaya waaxda dowladda ee arrimaha golaha wasiirrada oo hoos tagto xafiiska madaxweyne ku xigeenka
Belio Kipsang ayaa isna dib ugu laabanaya wasaaradda tacliinta halka xoghayaha wasaaradda guriyeynta Charles Hingauu xilkiisa sii haynaya.