Madaxweynaha dalka oo magacaabid cusub sameeyay

0
554

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maamulkiisa ku soo kordhiyay saddex qof oo dheeraad ah.
Waxaa uu Bernice Silaal Lemedeket u magacaabay xoghayaha maamulka sidoo kalena ah sarkaalka xisaabaadka ee adeegga qaran ee booliska dalka (NPS) .
Arrintan ayaa lagu shaaciyay bayaan uu soo saaray madaxa shaqaalaha madaxtooyada ahna madaxa adeegga dadweynaha Felix Koskei.
Waxaa bayaanka ku xusan in hoggaamiyaha wadanka uu wasiirkii hore ee arrimaha bariga Afrika iyo horumarka gobolka Aadan Maxamad u magacaabay inuu ku biiro golaha Ruto kala taliya arrimaha dhaqaalaha.
Qofka saddexaad ee la magacaabay ayaa ah Prof. Vincent Machuki oo isna ka mid noqonaya la taliyeyaasha dhaqaale ee William Ruto.