Moses Kuria: Lama mamnuuci doono dharka hudheyda ah

0
352

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha ee dalka Moses Kuria ayaa sheegay inuunan jirin qorsho lagu mamnuucaya ka ganacsiga dharka hudheyda ah.
Arrintan ayuu cadeeyay xilli uu xalay wareysi siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Hadalka Kuria ayaa imaanaya ka dib markii ay dhawaan soo baxeen warar sheegaya inuu joojin doono in dharka hudheyda ah la soo geliyo gudaha wadanka.
Hasa ahaate warbixinnadaasi ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Wasiirka ayaa taasi beddelkeeda carrabka ku adkeeyay in ganacsigan uu ka dhigi doono mid si wayn loogu tartamo.
Waxaa uu intaasi ku daray in wasaaradiisa ay dadaal ku bixin doonto xoojinta soo saaridda dharka ee gudaha wadanka.