Guddiga EACC oo u yeeray barasaabka Kakamega

0
271

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa u yeeray guddoomiyaha dowlad deegaanka Kakamega Fernandes Barasa.
Mas’uulkan ayaa laga doonaya inuu ka jawaabo su’aallo ku saabsan musuqmaasuq lala xiriiriyay xilligii uu ka shaqeynayay shirkadda xiriirinta korontada ee dalka ee (KETRACO).
Barasa ayaa lagu wadaa inuu EACC ka soo hormuuqdo Isniinta soo socoto oo ay taariikhdu ku beegan tahay 7-da bishan 11-aad.
Barasaabka ayaa wax laga waydiin doonaa qandaraas si sharci darro ah loo siiyay shirkad mashruuc ka fulinaysay ismaamulka Marsabit xilligii uu ahaa madaxa fulinta ee KETRACO.
EACC ayaa sheegtay inay dib ka shaacin doonto faahfaahin dheeraad oo kiiskan ku saabsan maadaama hadda lagu guda jiro wajigii koowaad ee baaritaannada.