Madaxweynaha dalka oo soo dhaweeyay heshiis lagu gaaray Itoobiya

0
265

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo dhaweeyay heshiis ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda wadanka Itoobiya.
Tani ayaa timid ka dib markii ay is-afgarad wada saxiixdeen dowladda federaalka ee Itoobiya iyo maamulka gobolka waqooyi ee Tigray.
William Ruto ayaa ballanqaaday in Kenya ay garab buuxa siin doonto heshiiska nabadeed ee qalinka lagu duugay.
Waxaa arrintan garwadeen ka ahaa Midowga Afrika iyadoo uu hoggaamiyaha wadanka xusay in tallaabadan ay tahay mid la jaanqaadeysa xasiloonida gobolka.
Qoraal uu soo saaray ayuu William Ruto ugu mahadceliyay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaanka gobolka Tigray oo uu sheegay inay qaadeen tallaabo geesinnimo leh.
Ciidamada labada dhinac ee heshiiyay ayaa muddo ku dagaallamayay gobolkaasi waxaana howlgallada ka dhashay dhimashooyin, barakac iyo dhibaatooyin kale.