Karraaniga cusub ee baarlamaanka oo la ansixiyay

0
373

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay in Samuel Njoroge uu noqdo karraaniga baarlamaanka wadanka.
Njoroge ayaa horay ahaa agaasimaha arrimaha sharciga iyo hab-raacyada baarlamaanka.
Waxaa uu beddelay Michael Sialai oo uu madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu u magacaabay inuu noqdo safiirka Kenya ku matalo wadanka Namibia.
Xilkan waxaa si ku meel gaar ah u sii haysay Sarah Kioko.
Guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC ayaa ku taliyay in Njoroge laga dhigo karraaniga baarlamaanka taasoo ay xildhibaannada meel mariyeen.
Waxaa laga soo xushay afar qof oo jagadan daneynayay kuwaasoo la turxaan bixiyay Jimcihii.