Wasiirka warfaafinta oo lagu amray inuu cusbooneysiiyo qandaraaska agaasimaha KBC

0
361

Maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa wasiirka wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda Eliud Owalo ku amartay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u cusbooneysiiyo qandaraaska shaqo ee agaasimaha guud ee telefishinka dowladda KBC.
Go’aanka maxkamadda ee uu u riyaaqay Naim Bilal ayaa waxaa soo saaray garsoore Kibera Ocharo .
Xaakinka ayaa cadeeyay in wasiirkii hore ee warfaafinta Joe Mucheru uu ku xadgudbay xuquuqda Naim Bilal maadaama uu ku guul dareystay inuu cusbooneysiiyo qandaraaska mas’uulkan in kastoo uu buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa.
Maxkamadda ayaa sheegtay in aynan jirin sabab sharciyeed oo loo cuskaday in Bilal la fasaxo ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisi koowaad oo ka koobnaa saddex sano.
Waxaa sidoo kale go’aanka maxkamadda soo dhaweeyey oo caddaalad ku tilmaamay qareenka matalayay agaasimaha KBC Eric Mutua .
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii Naim Bilal uu maxkamadda dacwad geeyay .