Barasaabka Meru oo kulan la qaadanaysa wakiillada

0
316

Guddoomiyaha ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi ay kala hadasho muranka dhanka maamulka ee iyada kala dhexeya.
Waxay shir ku casuuntay senatarka Meru Kathuri Murungi, xildhibaannada laga soo doortay deegaannada ismaamulkaasi iyo dhammaan wakiillada.
Kulankan oo qabsoomi doono Khamiista soo socoto ee 3-da bishan 11-aad ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galaya guddoomiyaha golaha xeer dejinta ee Meru Ayub Bundi.
Waxay hoosta ka xarriiqday in golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG oo ay hoggaamiso Ann Waiguru uu qayb ka yahay qaban qaabada kulankan .
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii xarunta golaha hoose ee Meru la geeyay dacwad lagu doonaya in xilka looga qaado Kawira oo ku eedeysan maamul xumo.