Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in loo baahan yahay 2 bilyan oo degdeg ah

0
397

Ku xigeenka madaxweynaha wadanka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda ay u baahan tahay 2 bilyan oo shilin oo degdeg ah si wax looga qabto saameynta abaarta oo ay cunno yarida ka mid tahay.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu shalay magaalada Nairobi kula kulmay mas’uuliyiinta shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ku mideysan ururka KEPSA.
Waxaa uu xusay in shirkadaha gaarka ah oo is abaabulay ay soo uruuriyeen lacag dhan 283,460,000 oo shilin balse taageero dheeraad ah loo baahan yahay.
Lacagtan ayuu sheegay in loo adeegsan doono in gargaar cunno lagu gaarsiiyo shacabka ku nool ismaamullada ugu daran marka la eego saameynta abaarta.
Sidoo kale waxaa uu soo dhaweeyay qorshaha ururka KEPSA uu sare ugu qaadaya helidda biyaha la siinaya xoolaha iyo wax soo saarka beeraha.
Barnaamij ay iska kaashanayaan dowladda iyo waaxyaha gaarka ah oo loogu magacdaray ‘Pamoja Tuungane Initiative ayaa socon doono bishan Tobnaad ilaa bisha Saddexaad ee sanadka 2023 iyadoo uu qorshuhu yahay in lagu uruuriyo hal bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa lagu qarash gelin doonaa cunnadda , biyaha , lacagaha tooska ee la siiyo dadka nugul , caafimaadka iyo in qoys waliba uu helo ugu yaraan 19,000.