Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku baaqay dadaallo wadajir ah oo lagula tacaalaya isbeddelka cimillada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in laga wada shaqeeyo wax ka qabashada caqabadaha dhanka deegaanka ee ay dunidu wajahayso.
Ruto ayaa sheegay in shirweynaha soo socdo ee qaramada midoobay ee ka dhanka ah isbeddelka cimillada (COP 27) uu dunida fursad u siinaya la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada si gaar ah dhibaatooyinka ay arrintan ku hayso waddamada uu dhaqaalahoodu soo kobcayo.
Shirkan ayaa inta u dhexeysa 6-da ilaa 18-ka bisha 11-aad ee sanadkan lagu qaban doonaa dalka Masar.
William Ruto waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay qasab tahay in dalalkan la siiyo kheyraadka ay u baahan yihiin si looga soo kabto saameynta ka dhalatay isbeddelka cimillada.
Baaqan ayuu soo saaray xilli uu shalay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kula kulmay agaasimaha fulinta ee hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan deegaanka ee (UNEP) Inger Anderson.
Madaxweynaha ayaa cadeeyay in Kenya ay wajahayso abaar daran, isbeddel ku yimid cimillada awgiis.
Waxaa uu sidoo kale xusay in la joogo xilligii si wayn loo taageeri lahaa xafiiska hay’adda UNEP ee gobolka si uu garab u siiyo barnaamijyada qaran ee dowladaha xubnaha ka ah.
Agaasimaha fulinta ee UNEP Inger Anderson ayaa dhankeeda dowladda dhexe ku bogaadisay sida ay uga go’an tahay in sanadka 2032-da baaxadda keymaha ee wadanka la gaarsiiyo boqolkiiba 30.
PRESIDENT RUTO: CONCERTED EFFORT REQUIRED TO TACKLE CLIMATE CHANGE
Nations must work together to tackle environmental challenges facing the globe, President @WilliamsRuto has said. pic.twitter.com/xzv4Unps87
— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 31, 2022
He said it was time the UNEP Regional Office for Africa was strengthened to provide effective and requisite support to member States’ national programmes.
Ms Andersen lauded the government’s commitment to have a 30 per cent forest cover in Kenya by 2032.
— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 31, 2022




