Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in Maraykanka ay la gasho heshiisyo dheeraad oo dhanka ganacsiga ah iyadoo loo maraya xeerka loo yaqaano AGOA.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxweynaha dalka William Ruto.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo uu Maraykanka ka faa’iidi karo dalka sida dhoofinta caleenta shaaha , qaxwada iyo ubaxa.
Madaxweyne Ruto waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu aad u rajeynaya qabsoomidda shirka u dhexeya Maraykanka iyo waddamada qaaradda Afrika oo uu qorshuhu yahay in la qabto bisha 12-aad ee sanadkan si looga wada hadlo xoojinta xiriirka ganacsi.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay ku xigeenka xoghayaha arrimaha beeraha ee Maraykanka Dr. Jewel Bronaugh oo ay wehelinayeen safiirka Maraykanka ee Kenya Ambasadoor Meg Whitman iyo mas’uuliyiin kale.
AGOA oo loola jeedo xeerka kobaca iyo fursadaha Afrika ayaa waxaa bishii Shanaad ee sanadkii 2000 ansixiyay kongareeska Maraykanka iyadoo ujeeddada laga leeyahay ay tahay caawinta dhaqaalaha waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika iyo wanaajinta xiriirka dhaqaale ee Maraykanka kala dhexeya gobolka.
2/4
Kenya, he added, has plenty more to offer the United States as a trade partner. Kenya largely exports apparel products to the USA with potential to export more products including value added tea, coffee and cut flowers. pic.twitter.com/OyGBoVs2gg— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 31, 2022
4/4
She was accompanied by US Ambassador to Kenya Meg Whitman, Nebraska Secretary of State Bob Evnen and Nebraska Deputy Secretary of State Cindi Allen, among others. pic.twitter.com/GRDhSctKuL— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 31, 2022




