Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa shacabka kenyaanka ah mar kale ku boorriyay inay bixiyaan canshuurta si dowladda dhexe ay ugu guulaysato oofinta ballanqaadyadii ay sameysay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay u baahan tahay dhaqaale ay ku qarash geliso mashaariicda horumarineed ayna miisaaniyaddan ka soo saarto uruurinta canshuuraha.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in iyadoo ganacsatada yaryar ay bixinayaan canshuurta aynan jirin sabab sida uu hadalka u dhigay maalqabeennada ay uga war wareegtaan arrinkan.
Waxaa uu wasiirrada xafiisyada la wareegay kula taliyay inay si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta oo aynan isku koobin deegaannada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.




