Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliya ka dib qaraxyadii shalay ka dhacay caasimadda Muqdisho oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof halka ku dhawaad 300 oo ruux ay ku dhaawacmeen.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in dadweynaha iyo dowladda Kenya ay Soomaaliya garab istaag u muujinayaan xilligan adag ee ay murugadu jirto.
The people of Kenya stand with Somalia following terrorist attacks that claimed over 100 lives. We commit to work with other countries to ensure peace and security prevails in the region.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) October 30, 2022




