Guddiga uu madaxweynaha dalka William Ruto u xilsaaray inuu dib u eegis ku sameeyo manhajka waxbarashada ee CBC ayaa laga billaabo Talaadada soo socoto kulamo la qaadan doono dadweynaha.
Shirarkan oo ay shacabka ku dhiibanayaan aragtidooda ku aaddan CBC ayaa lagu qaban doonaa 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Kulamada oo soconaya 8-da subaxnimo ilaa 10-ka barqanimo ayaa la soo gabagabeynaya 11-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Xubnaha uu arrintan ku xilsaaray madaxweynaha dalka oo gaaraya 42 ayaa laga doonayo in ra’yi uruurin ka dib ay soo jeediyaan talooyin ay ka mid tahay qaabka ugu habboon ee loo dhaqangelinaya nidaamkan waxbarasho.
Guddoomiyaha guddigan Prof. Raphael Munavu, ayaa laga soo xigtay in maalinta ugu horreysa ee 1-da Nofeembar ay dadweynaha kula kulmi doonaan ismaamullada Kwale, Taita Taveta, Marsabit, Nyandarua, Turkana, Kericho, Busia, Migori, Mandera iyo Samburu.
3-da bisha soo socoto , guddiga ayaa booqan doono dugsiyo sare oo ku yaalla ismaamullada Mombasa, Makueni, Nyeri, Elgeyo Marakwet, Bungoma, Nyamira iyo Homa Bay .
4-ta Nofeembar oo Jimco ku beegan waxay howshan ka sii socon doontaa Isiolo, Wajeer iyo Laikipia .
7-da bisha soo socoto xubnaha guddigan ayaa joogi doono Kilifi, Kitui, Kirinyaga, Bomet, Trans Nzoia, Kakamega iyo Kisii ka hor inta aynan maalinka xiga u sii gudbin Meru, Garissa iyo Baringo .
Prof. Raphael Munavu ayaa xusay inay sidoo kale la tashan doonaan shakhsiyaadka daneeya arrimaha waxbarashada ee ismaamullada Lamu, Embu, Muranga, West Pokot, Narok, Nandi iyo Siaya .
Howshan ayaa 11-ka bisha soo socoto lagu soo gabagabeyn doonaa Tana River, Machakos, Tharaka Nithi, Kiambu, Uasin Gishu, Kajiado, Vihiga, Kisumu, Nairobi iyo Nakuru.
Munavu ayaa maanta bayaan ku sheegay in dadweynaha laga doonayo inay afkaartooda ku aaddan manhajka waxbarashada ee CBC ay ku soo gudbiyaan qaab hadal ah ama qoraal.
30-kii bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu guddigan magacaabay.
Waxaa uu xilligaasi sheegay in guddigan uu shaqeyn doono muddo 6 bilood ah iyadoo labadii biloodba uu gudbinaya warbixin ku aaddan waxyaabaha u qabsoomay.
Xubnaha guddigan waxaa ka mid ah Peter Tabichi oo sanadkii 2019-kii la siiyay abaal marinta macallinka ugu wanaagsan caalamka.




