Maxkamadda oo dib u dhigtay dacwad ka dhan ah saraakiishii SSU

0
336

Maxkamad uu fadhigeedu yahay xaafadda Kahawa ee magaalada Nairobi ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwad ay wajahayaan shan sarkaal oo horay uga tirsanaa qaybtii gaarka ahayd ee dambi baarista ee SSU ee uu kala diray madaxweyne William Ruto.
Kiisaska ayaa la xiriira in la waayay labo qof oo u dhashay India iyo darawalkoodii.
Laamaha ammaanka ayaa wado baaritaano ay ku xaqiijinayaan in shanta eedeysane ay ku lug lahaayeen afduubkii loo gaystay Nicodemus Mwania Mwange, Maxamad Zaid Sami iyo Zulfiqar Axmed Khan.
Tuhmanayaasha maxkamadda la soo taagay ayaa lagu kala magacaabaa Joseph Mwenda Mbaya, David Chepcheng Kipsoi, Stephen Luseno Mutunda, Paul Njogu Muriithi iyo Simon Muhuga Gikonyo.
Arbacadii ayay ahayd markii gacanta lagu dhigay.
Garsoore sare Diana Mochache ayaa sheegtay in maxkamadda ay dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha mar kale soo hadal qaadi doonto Isniinta oo ku beegan 31-da bishan.