Qaar ka mid ah wasiirrada cusub oo xafiisyada la wareegay

0
359

Waxaa xafiisyada la wareegay qaar ka mid ah 24-ka xubnood ee golaha wasiirrada wadanka ee shalay la dhaariyay.
Mas’uuliyiinta shaqooyinkooda billaabay galinkii dambe ee shalay waxaa ka mid ah wasiirka beeraha Mithika Linturi.
Linturi waxaa xafiiska ku wareejiyay Peter Munya.

Sidoo kale Moses Kuria, wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha ayaa xafiiska kala wareegay Betty Maina.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Dr. Alfred Mutua waxaa xafiiska ku wareejisay Ambasadoor Raychelle Awuor Omamo .

Waxaa la filayaa in xubnaha kale ee golaha wasiirrada ee shalay la dhaariyay ay wixii ka dambeeya maanta si toos ah ula wareegaan xafiisyada ay ka howlgeli doonaan.
Mas’uuliyiinta shalay ku dhaartay inay qaranka si daacadnimo leh ugu adeegi doonaan ee uu la dardaarmay madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kala ah
1.Musalia Mudavadi- Madaxa wasiirrada
2.Justin Muturi-Xeer ilaaliyaha guud.
3.Mercy Wanjau-Xoghayaha golaha wasiirrada.
4.Aaden Barre Ducaale –Wasiirka gaashaandhigga
5.Alfred Mutua – Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta
6.Alice Wahome-Wasiirka biyaha , waraabka iyo maareynta wasaqa.
7.Prof. Kithure Kindiki – Wasiirka arrimaha gudaha
8.Prof. Njuguna Ndung’u – Wasiirka maaliyadda
9.Aisha Jumwa – Wasiirka adeegga dadweynaha
10.Davis Chirchir –Wasiirka tamarta iyo batroolka.
11.Moses Kuria – Wasiirka ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha.
12.Kipchumba Murkomen – Wasiirka gaadiidka, waddooyinka iyo howlaha guud.
13.Roselinda Soipan Tuya – Wasiirka deegaanka iyo Keymaha
14.Peninah Malonza – Wasiirka dalxiiska, duurjoogta iyo hiddaha
15. Florence Bore-Wasiirka shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada.
16.Mithika Linturi-Wasiirka beeraha.
17. Eliud Owalo-Wasiirka isgaarsiinta, warfaafinta iyo tiknolojiyadda .
18.Rebecca Miano-Wasiirka arrimaha bariga Afrika.
19. Zachariah Mwangi Njeru-Wasiirka dhulalka iyo guriyeynta
20. Susan Nakumicha Wafula-Wasiirka caafimaadka
21. Ababu Namwamba-Wasiirka arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha
22. Salim Mvurya-Wasiirka macdanta
23. Ezekiel Machogu-Wasiirka waxbarashada
24. Simon Chelugui-Wasiirka iskaashatada iyo horumarinta ganacsiyada yaryar.