Guddoomiyaha guddiga nabad galyada ee Jaarajila oo ka tirsan deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa Cismaan Carte Cabdi oo la soo xiriiray warbaahinta Star ayaa sheegay in aan weli la hagaajin mashiinta biyaha ee Calinjuqur oo ay cilad ku timid labo toddobaad ka hor.
Waxaa uu dowladda ismaamulka Garissa ugu baaqay inay arrintan wax ka qabato maadaama lagu jiro xilli la dareemaya saameynta abaarta.
Sidoo kale waxaa uu bulshada kula taliyay inay la shaqeyaan madaxda kala duwan ee la soo doortay si dalka uu horumar u gaaro.




