Wasiirrada cusub ee dalka oo maanta la dhaarinaya

0
355

Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 11-ka barqannimo ee maanta uu madaxweynaha dalka William Ruto goobjoog u ahaado munaasabad xilalkooda loogu dhaarinaya 24 qof oo uu bil ka hor soo magacaabay.
Xoghayaha saxaafadda ee adeegga isgaarsiinta ee madaxtooyada wadanka Emmanuel Talam ayaa arrinkan bayaan ku shaaciyay.
Xubnaha golaha wasiirrada ee ay shalay baarlamaanka ansixiyeen kuwaasoo maanta ku dhaaran doono inay dalka si daacadnimo leh ugu adeegayaan ayaa kala ah;
1.Musalia Mudavadi- Madaxa wasiirrada
2.Justin Muturi-Xeer ilaaliyaha guud.
3.Mercy Wanjau-Xoghayaha golaha wasiirrada.
4.Aaden Barre Ducaale –Wasiirka gaashaandhigga
5.Alfred Mutua – Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta
6.Alice Wahome-Wasiirka biyaha , waraabka iyo maareynta wasaqa.
7.Prof. Kithure Kindiki – Wasiirka arrimaha gudaha
8.Prof. Njuguna Ndung’u – Wasiirka maaliyadda
9.Aisha Jumwa – Wasiirka adeegga dadweynaha
10.Davis Chirchir –Wasiirka tamarta iyo batroolka.
11.Moses Kuria – Wasiirka ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha.
12.Kipchumba Murkomen – Wasiirka gaadiidka, waddooyinka iyo howlaha guud.
13.Roselinda Soipan Tuya – Wasiirka deegaanka iyo Keymaha
14.Peninah Malonza – Wasiirka dalxiiska, duurjoogta iyo hiddaha
15. Florence Bore-Wasiirka shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada.
16.Mithika Linturi-Wasiirka beeraha.
17. Eliud Owalo-Wasiirka isgaarsiinta, warfaafinta iyo tiknolojiyadda .
18.Rebecca Miano-Wasiirka arrimaha bariga Afrika.
19. Zachariah Mwangi Njeru-Wasiirka dhulalka iyo guriyeynta
20. Susan Nakumicha Wafula-Wasiirka caafimaadka
21. Ababu Namwamba-Wasiirka arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha
22. Salim Mvurya-Wasiirka macdanta
23. Ezekiel Machogu-Wasiirka waxbarashada
24. Simon Chelugui-Wasiirka iskaashatada iyo horumarinta ganacsiyada yaryar.