Afhayeenka dowladda dhexe oo la filayo inuu is casilo

0
358

Waxaa la filayaa inuu xilkiisa iska casilo afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay barasaabka ismaamulka Siaya , James Orengo u magacaabay inuu noqdo madaxa shaqaalaha dowlad deegaankaasi.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii wasiirka xafiiska banneynaya ee isgaarsiinta Joe Mucheru uu Cyrus Oguna oo horay uga tirsanaa ciidamada militariga uu u magacaabay xilka afhayeenka dowladda dhexe.
Waxaa uu xilligaasi beddelay Mr. Eric Kiraithe.