Pakistan oo 3 sarkaal oo sirdoon ah u soo dirtay Kenya si ay u baaraan dilka wariye Arshad Sharif

0
366

Dowladda dalka Pakistan ayaa Kenya u soo dirtay saddex sarkaal oo ka tirsan sirdoonka milaterigeeda, si ay u hoggaamiyaan baaritaannada la xiriira dilka wariye Arshad Shariif.
Ku xigeenka kormeeraha guud ee booliska Pakistan Athar Waheed ayaa hoggaamin doona kooxda baaritaanka sameynayso.
Sidoo kale waxaa baaritaannada qayb ka ah agaasimaha guud ee sirdoonka dalkaasi Cumar Shahid Xaamid iyo sarkaal kale.
Kooxdan ayaa la faray inay si degdeg ah ugu safraan Kenya.
Saraakiishan ayaa marka ay baaritaannada soo gabagabeeyaan ayaa waxay warbixintooda u gudbin doonaan waaxda arrimaha gudaha ee wadanka Pakistan.
Booliska Kenya oo dilka wariyaha qirtay ayaa sheegay in Arshad Shariff si aan ula kac ahayn loo toogtay.