Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka Wafula Chebukati ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha dalka William Ruto uu ku shaaciyay in la xayaysiiyo jagada guddoomiyaha iyo labo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga IEBC kuwaas oo horraanta sanadka 2023-ka xafiiska banneynaya.
Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha IEBC ayuu ku sheegay in tallaabadani ay xaqiijinayso in si habsami leh uu xilka ku wareejiyo.
Madaxweynaha dalka ayaa maalmo ka hor wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in sida waafaqsan qaybta 7A ee farqada 2-aad ee xeerka guddiga doorashooyinka, in jagada guddoomiyaha iyo labada sarkaal ee sare IEBC la xayaysiiyo lix bilood ka hor inta aysan muddo xileedkooda dhammaan.
17-ka bisha Koowaad ee sanadka 2023-ka ayaa lagu wadaa in uu idlaado muddo xileedka guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati iyo labada sarkaal ee sar sare ee guddigan oo kala ah Boya Molu iyo Prof. Cabdi Yacquub Guuliye.
Sida uu dhigayo xeerka guddiga IEBC, madaxweynaha dalka ayaa laga sugaya in uu magacaabo guddi ka kooban toddobo xubnood si ay u turxaan bixiyaan shakhsiyaadka daneynaya inay buuxiyaan jagadan.
I wish to welcome the decision to gazette impending vacancies for the positions of IEBC Chairperson and 2 Commissioners which will officially be vacant from 18/1/2023. This will ensure smooth transition and retention of institutional memory which has previously not been the case. pic.twitter.com/VayNa9hvKW
— Wafula Chebukati (@WChebukati) October 23, 2022