Waxaa la filayaa in berri maxkamadda la soo taago afar sarkaal oo ka mid ah ciidamada qaybtii gaarka ahayd ee waaxda dambi baarista ee SSU-da ee dhawaan la kala diray.
Saraakiishan oo la xiray ayaa ka mid ahaa 21 tagay xarunta laanta arrimaha gudaha ee adeegga qaran ee booliska oo wax laga waydiiyay shaqooyinkooda.
Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo Danstan Omari ayaa ka hadlay magacyada afarta sarkaal ee xiran iyo saldhigyada kala duwan ee lagu hayo.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhammaantood aynan ku lug lahayn eedeymo loo soo jeediyay oo ay ka mid tahay inay qayb ka qaateen afduubka labo muwaadin oo u dhashay India iyo darawal kenyaan ah.
20-kii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu amray in baaritaanno dabagal ah lagu sameeyay xubnaha qaybtii gaarka ahayd ee dambi baarista ee SSU ee la kala diray.
Waxaa uu xusay in askartan lagu eedeyay dilal sharci darro ah oo loogu gaystay dad kenyaan ah sidaas awgeedna la doonayo in la baaro si haddii eedeymaha lagu cadeeyo looga qaado tallaabada ku habboon ee sharciyeed.