Kenyaanka oo lagu amaanay doorashadii nabadda ahayd ee ay ka qayb qaateen

0
388

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shacabka ku bogaadiyay in 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan ay si nabad ah codkooda uga dhiibteen doorashadii guud ee wadanka ka dhacday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kenyaanka ay iska diideen cadaadis ku aaddanaa inay rabshad sameyaan ama ay khalkhal geliyaan amniga.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in tani ay muujinayso inay korortay dimuqraadiyadda dalka.
Waxaa uu tilmaamay in dadweynaha ay u dhaqmeen qaab ku dayasho mudan oo la doonayo in la joogteeyo.