Golaha barasaabyada oo dowladda ugu baaqay in ay mamnuucdo kulamada siyaasadeed

0
674

Golaha hoggaamiyaasha ismaamullada wadanka ee CoG ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta u soo jeediyay in uu soo saaro amar muddo 30 cisho ah lagu mamnuucaya isku soo baxyada siyaasadeed.
Waxaa baaqan jeediyay guddoomiyaha golahan ahna madaxa dowlad deegaanka Embu Mr. Martin Wambora.
Mas’uulkan ayaa xusay in siyaasiyiinta qabanaya kulamada kala duwan ay caqabad ku yihiin dagaalka ay dowladda dhexe kula jirto cudurka COVID-19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha oo taladan qaato ay gacan ka gaysan doonto in la xakameeyo faafidda caabuqa corona.
Diginiinta uu soo saaray golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Kenya Mr. Mutahi Kagwe uu sheegay in dalka uu ku dhuftay hirkii saddexaad ee fayraska corona.
Tani ayaa timid ka dib markii galinkii dambe ee shalay wasaaradda caafimaadka ay sheegtay in 24 saacadood gudahood ay ku xaqiijisay xaalado cusub oo gaaraya 713 , tiradan oo ah midii ugu badneyn ee hal maalin gudaheed la diiwaangeliyo laga soo billaabo bishii 11-aad ee sanadkii hore.
Martin Wambora ayaa sheegay in iyaga oo kaashanayaan wasaaradda caafimaadka ay doonayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu codsigooda tixgeliyo si loo yareeyo xaaladaha sii kordhaya ee caabuqa corona.
Sanadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha wadanka uu hoggaamiyaasha siyaasadeed ku boorriyay in ay shacabka u noqdaan ku dayasho mudan isaga oo xilligaas mamnuucay isku soo baxyada siyaasadeed guud ahaan dalka.
Dadka shirarka qaban qaabinaya ayaa lagu amray in ay kulamada ku qabtaan hoolalka ku yaalla magaalooyinka iyaga oo raacaya amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad sida in la dhimo tirada dadka ka qayb gelaya shirarkan.
Dhanka kale guddoomiyaha golaha CoG Martin Wambora oo ka hadlay tallaaka cudurka COVID-19 ee la gaarsiiyay dowlad deegaannada ayaa sheegay in aynan haysan kheyraad ku filan oo ay tababaro iyo sare u qaadidda tayada ugu sameyn karaan howlwadeenada caafimaadka.
Madaxa CoG ayaa xusay in golahan ay ka go’an tahay xaqiijinta in lagu guulaysto ololaha tallaalka.
Sidoo kale Martin Wambora ayaa carrabka ku dhuftay in aynan dhaqaale ka helin dowladda dhexe taasoo saameysay bixinta adeegyada loo fidiyo bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here