Malaysia oo doorasho horudhac ah qabanaysa 19-ka bisha 11-aad

0
235

Waxaa uu qorshuhu yahay in dalka Malaysia ay 19-ka bisha 11-aad ee sanadkan ay ka qabsoonto doorasho guud oo xilligeedi laga soo horumariyay.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Ismaaciil Sabri Yaakob ayaa isku dayeysa inay mar kale talada qabato oo ay soo afjarto waxa lagu tilmaamay qas siyaasadeed.
Waxaa horay loo qorsheeyay in doorashada federaaliga ah ay dhacdo bisha Sagalaad ee sanadka 2023.
Guddiga doorashooyinka ee Malaysia ayaa laga soo xigtay in qiyaastii 21 milyan oo qof ay u qalmaan inay codeyaan.
Doorashadii ugu dambeysay ee Malaysia ayaa qabsoontay 2018 xilligaas oo xisbiga (UMNO) uu markii ugu horreysay muddo 60 ah xukunka lumiyay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ra’iisul wasaare Ismaaciil Sabri uu baarlamaanka kala diray saddex cisho un ka dib markii uu soo bandhigay miisaaniyad sanadeedka dowladda ee 2023.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada ay soo afjari doonto xasilooni darro sanadihi la soo dhaafay saameysay Malaysia.