Kindiki oo ballanqaaday cirib tirka dhaca xoolaha

0
446

Prof. Kithure Kindiki oo uu bishii hore madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta u sheegay in haddii la ansixiyo uu wax ka badan doono falalka amni darro.
Waxaa uu ballanqaaday inuu dabar goyn doono falalka xoolaha lagu dhaco ee saameeyay gobolka Rift Valley.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu burcadda xoolaha dhaca ula macaamili doono si aan beer-jillec lahayn.
Kindiki ayaa sheegay inuu kenyaanka u xaqiijinaya in haddii uu qabto xilka wasiirka arrimaha gudaha ee dalka uu sameyn doono wax kasta oo ay ku qaadato si loola tacaalo falalkan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka jawaabayay su’aallo ay weydiiyeen xildhibaanka Koonfurta Pokot David Pkosing iyo Naisula Lesuuda oo laga soo doortay Galbeedka Samburu.
Waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay soo afjaridda dhaca xoolaha , burcadnimada iyo dagaal beeleedyada.
Isagoo arrintan faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya ayuu cadeeyay in shaqada ugu horreysa ee uu xooga saari doono ay tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha gaysta falal dambiyeedyada iyo burcadda.
Senatarkii hore ee ismaamulka Tharaka Nithi ayaa sheegay inuu arrintan fulin doono isagoo sharciga ilaalinaya.
Haddii la ansixiyo , Kithure Kindiki sida uu sheegay waxaa u qorsheysan in ciidamada ammaanka ay si siman ugu adeegaan dadweynaha oo aynan marnaba qayb ka noqon fulinta dano siyaasadeed.
Dhanka musuqmaasuqa waxaa uu ballanqaaday inuu xaqiijin doono in muwaadin doonaya ku biiridda ciidamada ammaanka aan hal shilin oo laaluush ah laga qaadin.