DHAGEYSO:Barasaabka Wajeer oo ka hadlay arrimaha biyaha iyo deynta ismaamulkaasi

0
371

Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa sheegay inay jiraan baahiyo dhanka biyaha ah oo uu doonaya in maamulkiisa uu wax ka qabto.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Wajeer ay tahay dowlad deegaanka saddexaad ee lagu leeyahay deymo badan marka laga soo tago Nairobi iyo Mombasa.

Arrimahan ayuu soo hadal qaaday ka dib markii shalay xilalkooda loo dhaariyay 10 wasiir oo uu soo magacaabay ka dibna ay magacyadooda ansixiyeen wakiillada golaha hoose ee Wajeer.