Nin loo haysto inuu dilay sarkaal ilaalinayay Ida Odinga oo 14 cisho xabsiga ku jiri doono

0
346

Eedeysane loo haysto inuu maalmo ka hor toogasho ku dilay sarkaal ilaalo u ahaa marwada madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja Ida Odinga oo lagu magacaabo Collins Okundi ayay maxkamadda amartay in muddo 14 cisho ah uu xabsiga ku sii jiro.
Tani ayaa timid ka dib markii waaxda dacwad oogidda ay codsatay in la siiyo muddo dheeraad oo ay baaritaannada ku soo gabogabeyn karto.
Ciidamada ammaanka ayaa ku dadaalaya inay ogaadaan sababta keentay in eedeysanaha uu toogto Barrack Oduor.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Kisumu.
Axaddii ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay tuhmanaha soo qabteen.
Falkan uu gaystay waxaa ku dhaawacmay labo qof oo kale oo ay Barrack wada socdeen xilligii ay toogashadu dhaceysay.