Dowladda ayaa sheegtay in dadka Kenyaanka ah ay wali awood u yeelan doonaan inay cusbooneysiiyaan ama beddelaan baasaboorkii hore xitaa ka dib marka la gaaro 30-ka bisha 11-aad ee sanadkan oo ah wakhtiga kama dambeyska ah.
War saxaafadeed uu soo saaray agaasimaha guud ee waaxda socdaalka dalka Alexander Muteshi ayuu ku sheegay in howsha ay ka sii socon doonto dhammaan xarumaha laga codsado baasaboorada gudaha iyo dibadaba.
Sida laga soo xigtay Muteshi, Kenya ayaa si buuxda ugu wareegi doonta baasaboorka cusub laga bilaabo 1-da bisha 12-aad ee sanadkan.