Guddoomiyaha golaha suuq geynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Camey ayaa dowladda iyo maamulka isgaarsiinta wadanka ugu baaqay in muddo kordhin u sameeyaan dadka leemankooda taleefoonka hawada laga saaray, kuwaas oo uu sheegay inay saameyn adag ku yeelatay maadaama abaaro daran ay ka jiraan gobolka waqooyi bari.