Anna Qabale Duba oo ah gabadh 31 sano jirta oo ka soo jeedo ismaamulka Marsabit ayaa sheegtay in abaal marin lacageed oo caalami ah oo la siiyay ay u adeegsan doonto inay ku sii ballaariso dugsi ay dhismihiisa ka billowday tuulada Tuba.
Waxay howshan u adeegsan doontaa hay’adeeda tabarucaadda ee Qabale Duba Foundation.
Gabadhan oo ah kalkaaliso ka howlgasho isbitaalka wayn ee Marsabit ayaa abaal marinta ku muteysatay u ololeynta arrimaha waxbarashada iyo la dagaalanka gudniinka fircooniga iyo caadooyinka kale ee haweenka saameeya.
Dugsiga ay Ms. Duba doonaysa inay sii ballaariso ayaa waxaa hadda dhigta 160 arday ah.
Abaalmarinta oo la siiyay bishii Shanaad ee sanadkan ayaa loo yaqaanaa Aster Guardians Global Nursing Award .