Agaasimaha dambi baarista dalka oo ballanqaaday inuu si cadaalad ah u shaqeyn doono

0
272

Aamiin Maxamad Ibraahim oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay xilka agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa ballanqaad sameeyay.
Waxaa uu sheegay inuu waaxdan u hoggaamin doono si xirfad iyo cadaalad ay ku dheehan tahay.
Mr. Aamin oo horay madax uga ahaa laanta arrimaha gudaha ee booliska dalka ayaa xusay inuu si go’aan leh u gudan doono waajibaadkiisa shaqo.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay sidii waaxda dambi baarista ay u noqon lahayd mid si buuxda u tixgelisa oo u ilaalisa xuquuqda aasaasiga ee kenyaanka iyo xeerarka dastuuriga ah.
Mas’uulkan ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto uga mahadceliyay inuu ka soo xushay liis ka kooban saddex qof oo loo gudbiyay.
Tani ayuu ku tilmaamay inay u tahay sharaf uu ugu adeegaya qaranka.
Aamiin ayaa marka la dhaariyo ka dib buuxin doono jagadii uu bishii hore iska casilay George Kinoti oo uu madaxweynaha hadda talada dalka haya marar badan ku eedeyay inuu u shaqeynayay qaab siyaasadeysan in kastoo uu dhaliishaasi Kinoti iska fogeeyay.