Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray dhaliil uga timid madaxa isbeheysiga Azimio Raila Odinga.
Dhawaan ayay ahayd markii Mr. Odinga uu sheegay in maamulka talada la wareegay uunan wax ka qaban sicir bararka wadanka ka jiro iyo qiimaha sare ee maciishadda.
Waxaa uu William Ruto hoosta ka xarriiqay inay adeegsanayaan qaab kale oo lagu kobcinayo wax soo saarka ganacsatada iyo beeraleyda.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa Raila Odinga ku eedeyay inuunan dhaliilin maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta.