Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa meesha ka saaray codsi la doonayay in lagu soo afjaro dacwad la xiriirta musuqmaasuqa oo ka dhan ah barasaabkii hore ee ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal Kasaine iyo 11 eedeysanayaal oo kale.
Ku xigeenka agaasimaha dacwad oogidda Alexander Muteti ayaa garsoore Thomas Nzioka ku wargeliyay in dhageysiga kiiskan sidii loo qorsheeyay uu u socon doono.
Nuurdiin Xaaji ayaan wax sabab ah ka bixin tallaabada looga laabtay go’aankii hore.
Kiiskan ayaa la dhageysan doonaa 15-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Home Wararka Kenya Nuurdiin Xaaji oo ka laabtay go’aan lagu soo afjarayey dacwadda barasaabkii Samburu