Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa barqanimadii maanta safarkiisi ugu horreeyay tani iyo markii xilkan loo dhaariyay 13-kii bishii hore ugu ambabaxay caasimadda Kigali ee wadanka Rwanda.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Mr. Gachagua uu ka qaybgalo shirwaynaha isku xirka dhallinyarada ee Afrika ee ka qabsoomaya dalka Rwanda.
In ka badan 9,000 oo dhallinyaro Afrikan ah ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan shir madaxeedkan.
Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu wado in lagu soo qaado inta uu shirku socdo ayaa waxaa ka mid ah ka qayb qaadashada dhallinyarada ee ku wajahan wax ka qabashada isbeddelka cimilada, nabadda waarta, cayaaraha, dhaqaalaha iyo hal-abuurka dhaqanka.
Madaxeynaha ku xigeenka dalka ayaa waxaa safarka ku wehlinaya xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro, dhigiisa koonfurta Mugirango Silvanus Osoro, mudanaha deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa Maxamad Cali, senetarka ismaamulka Kiambu Karungo Wathang’wa iyo wakiilka haweenka ee dowlad deegaanka Bomet Linet Chepkorir.
Home Wararka Kenya Madaxweyne ku xigeenka dalka oo safarkiisi ugu horreeyay ugu ambabaxay wadanka Rwanda