Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ayaa hakisay in waaxda adeegga dadweynaha uu qayb ka noqdo xafiiska xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda ee loo yaqaano CAS.
Garsoore Monica Mbaru ayaa ururka qareennada dalka ee LSK ku amartay inuu ka hor berri arrintan la wadaago guddiga adeegga dadweynaha ee PSC iyo xeer ilaaliyaha guud.
Maxkamadda ayaa dacwaddan soo hadal qaadi doontaa 24-ka bishan.
Tani ayaa timid ka dib kiis ay LSK maxkamadda gaysay oo ahaa in aynan caddeyn ujeeddada laga lahaa soo dhisidda xafiisyada xoghayeyaashan sidaas awgeedna aysan dadweynaha ka aragti dhiiban karin farqiga u dhexeya waajibaadka shaqo ee mas’uuliyiintan iyo xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha.
Go’aanka maxkamadda ayaa ku soo beegmaya iyadoo guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ee uu hoggaamiyo Anthony Muchiri uu shaaciyay in ilaa 27-ka bishan la qabanaya codsiyada shakhsiyaadka daneynaya xilka xoghayaha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Xilka CAS ee wasaaradaha waxaa sanadkii 2018-kii aasaasay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta .
Waxaa shaqooyinkooda ka mid ah inay ka jawaabaan su’aallaha iyo arrimaha khuseeya wasaaradda ,inay xiriir la sameyaan baarlamaanka iyo aqalka sare sidoo kalena ay wasiirka kulamada uunan ka qayb geli karin ay ku matalaan.