Ugu yaraan 30,000 oo macallimiin ah oo la shaqaaleysiin doono sanadka dambe

0
279

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in laga billaabo bisha koowaad ee sanadka 2023-ka, ay dowladda dhexe shaqaaleysiin doonto ugu yaraan 30,000 oo macallimiin ah.
Waxaa uu sheegay in tani ay tahay wajiga koobaad ee qorshaha lagu howlgelinaya 116,000 oo macallimiin ah si loo buuxiyo gaabadka ka jiro dugsiyada wadanka.
William Ruto ayaa laga soo xigtay in dowladda ay si dhow ula shaqeyn doonto sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NG-CDF) si sare loogu qaado kaabayaasha xarumaha tacliinta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay ardayda fursad u siin doonto inay wax ku bartaan jawi wanaagsan oo ay helaan xirfado ay noloshooda mustaqbalka ku horumarin karaan.
Madaxweynaha dalka waxaa uu qaranka u xaqiijiyay in la sii ballaarin doono barnaamijka cunnada ee dugsiyada si arday badan ay iskuullada ugu biiraan..
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa xildhibaannada ugu baaqay inay si daahfuran oo isla xisaabtan leh ay u maareeyaan lacagaha CDF si deegaannada hoose loo horumariyo.
Arrimahan ayay ka hadleen xilli ay si rasmi ah u fureen dugsiga hoose dhexe ee Komarock South oo lagu dhisay sanduuqa horumarinta deegaanka bartamaha Embakasi .