Waxaa maalinka Isniinta ee 17-ka bishan Tobnaad billaabanaya turxaan bixin lagu sameyn doono xubnaha golaha wasiirrada ee uu bishii hore soo magacaabay madaxweynaha wadanka William Ruto.
Arrintan ayaa waxaa galinkii dambe ee shalay shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula.
Tani ayaa timid ka dib markii golaha xeer dejinta uu ansixiyay xubnaha guddiga qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda.
Waxaa uu qorshuhu yahay in guddigan uu kulan yeesho ka hor inta uunan toddobaadka dambe howlihiisa si rasmi ah u guda gelin.
Guddigan ayaa laga doonaya inuu turxaan bixinta ka dib warbixin u gudbiyo baarlamaanka si xildhibaannada ay muddo 28 cisho gudaheeda ah u ansixiyaan ama dhinac iskaga dhigaan magacyada dadka uu Ruto rabo inay qabtaan xilalka wasiirrada.
Moses Wetangula ayaa sheegay in baarlamaanka uu haysto ilaa 3-da bisha 11-aad ee sanadkan si uu u meel mariyo wasiirrada magacaaban iyo guddomiyihii hore ee baarlamaanka Justin Muturi oo loo soo xushay inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud.