Xarun lagula dagaallamaya xagjirnimada oo laga furay Malindi

0
572

Waxaa magaalada Malindi ee ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta laga hirgeliyay xarun qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha oo la doonayo in ay kaalin ka qaadato la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.
Furitaanka xaruntan waxaa iska kaashaday dowladaha Kenya , Ingiriiska iyo hay’adda Haki Africa.
Danjiraha Ingiriiska ee Kenya Jane Marriott ayaa sheegtay in kalsoonida ka dhexeysa shacabka iyo saraakiisha ammaanka oo hooseysa ay noqotay caqabad dhanka amniga ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in loo baahan yahay in dowladda Kenya iyo shacabkeeda ay isku kalsoonaadaan si looga guulaysto falalka amni darro.
Agaasimaha hay’adda Haki Africa ee gobolka xeebta Xuseen Khalid ayaa sheegay in 17 dhallinyaro ah oo dhuumanayay ay muddo hal sano ah gudaheed booliska isku soo dhiibeen.