2,000 oo ka mid ah qoysaska Isiolo oo cunno loo qaybiyay

0
329

Barnaamijka gargaarka ee Pamoja Tuungane initiative ayaa cunno u qaybiyay in ka badan 2,000 oo ka mid ah qoysaska ku nool ismaamulka Isiolo.
Deeqdan ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 12 milyan oo shilin.
Qorshahan ayaa la daahfuray bishii Afaraad waxaana looga gol-leeyahay in Kenyaanka lagu dhiirigeliyo inay caawiyaan dadka ay saameysay abaarta.
Madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Peter Ndegwa ayaa dowladda uga mahadceliyay dadaallada ay uga falcelinayso abaarta.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in shirkadaha, ururrada , iskaashatada iyo maamullada bulshada rayidka ah ay dadaalladan taageeraan.
Ilaa iyo hadda 8.5 milyan oo shilin ayaa lagu deeqay qaab lacago caddaan ah iyo dhibcaha Bonga Points halka shirkadaha ay bixiyeen 4 milyan oo shilin.
Warbixin uu soo saaray maamulka qaran ee maareynta abaarta ee NDMA ayaa lagu sheegay inay ka sii dareysa abaarta ka jirta 23 ismaamul.
Waxaa la saadaalinaya in dhammaadka bishan Tobnaad tirada dadka u baahan gargaarka baniaadannimo ay gaarto 4.35 milyan oo qof.