Waaxda dacwad oogidda oo bayaan ka soo saartay kiiska Kimunya

0
239

Waaxda dacwad oogidda ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maxkamadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee Milimani ee magaalada Nairobi ay diiday inay tixgeliso codsi ka yimid qareenka u doodaya wasiirkii hore ee maaliyadda Amos Kimunya.
Codsiga ayaa ah in kiiskan dib loogu celiyo garsoore horay u fasaxay Kimunya iyo labo eedeysanayaal oo kale.
Lawrence Mugambi oo ka howlgalo maxkamadda Milimani ayaa sheegay inuusan jirin wax qiil ah oo loo cuskan karo in garsoore Felix Kombo uu mar kale eego dacwaddan.
Waaxda dacwad oogidda ayaa waxaa matalayay Vincent Monda iyo Wesley Nyamache oo ka soo horjeestay codsiga qareenka u doodaya eedeysanaha.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa qiimihii damaanadda ee uu bannaanka ku joogay Amos Kimunya oo horay ahaa 2 milyan oo shilin ka dhigtay 1.5 milyan.
Waxaa sidoo kale u furan inuu bixiyo damaanad lacageed oo gaaraysa 700,000 oo shilin halka horay looga doonayay hal milyan.
Eedeysanayaasha kale Lilian Wangiri, Junghae Wainaina iyo Midlands ayaa sidoo kale loo oggolaaday min 1.5 milyan oo damaanad lacageed ah.