Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo daahfuraya kulanka guddi eegaya CBC

0
290

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u daahfuro kulan ay yeelanayaan xubnaha guddi dhawaan loo soo magacaabay dib u eegista manhajka waxbarashada ee CBC.
Guddigan oo ka kooban 49 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Prof. Raphael Munavu.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha wadanka William Ruto uu magacyadooda ku soo bandhigay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Guddigan waxaa xubno ka ah maamule ku xigeenka jaamacadda Nairobi Prof. Gitahi Kiama, dhigiisa jaamacadda Kenyatta Prof. Paul Wainaina ,Peter Mokaya Tabichi oo sanadkii 2019-kii loo aqoonsaday macallinka ugu wanaagsan caalamka iyo shakhsiyaad kale.
Waxaa guddiga laga doonaya inuu darasaad ku sameeyo dhammaan xeerarka lagu maamulo tacliinta aasaasiga ah oo ayna soo jeediyaan isbeddelo lagu sameyn karo sharciyadan.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayaa ah in meesha laga saaro culeysyada la xiriira nidaamka CBC ee ay qaar ka mid ah waalidiinta dalka cabasho ka muujiyeen.
Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa soo jeedin doono sida fursado waxbarasho oo ay kenyaanka kale kala siman yihiin u heli karaan dadka ku dambeeya dhinaca adeegyada bulsho iyo dhaqaalaha, bulshooyinka nugul, carruurta iyo Shakhsiyaadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Guddigan ayaa looga baahan yahay inuu labadii biloodba madaxweynaha dalka ku wareejiyo warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay.