DHAGEYSO:Barayaasha jaamacadda Moi oo shaqo joojin sameeyay

0
462

Barayaasha jaamacadda Moi ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa maanta sameeyay shaqo joojin iyaga oo ka cabanaya arrimo dhowr ah.
Waxay warbaahinta u sheegeen in ilaa iyo maanta aan la siin mushaarkii bishii labaad .
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqeen in tan iyo bishii toddobaad ee sanadkii hore ay jiraan lacago ka maqan.
Maamulka Jaamacadda Moi oo aan weli ka jawaabin cabashooyinka barayaasha ayay ku dhaliileen in uunan u istaagin xallinta caqabadaha ay wajahayaan
Mid ka mid ah barayaasha jaamacadda ayaa warbaahinta faahfaahin ka siisay dhibaatooyinka haysta ee sababay in aynan fasallada iska xaadirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here