Madaxweynaha dalka oo sheegay in isbeddelka cimillada uu halis ku yahay Afrika

0
413

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in aan la fududeysan karin saameynta isbeddelka cimillada uu ku leeyahay xasiloonida qaaradda Afrika.
Waxaa uu hoggaamiyaasha wadamada qaaradda ugu baaqay in ay hal mowqif ka qaataan caqabaddan ka hor inta aan la qaban shirka qaramada midoobay ee sanadkan ee (COP26).
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxda aynan iska sii indha tiri karin caqabadda amni ee la ka dhalato isbeddelka ku yimaado cimillada.
Hadalkan ayuu Mr. Uhuru Kenyatta ka jeediyay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House xilli uu shir guddoomiyay kulan dhanka fogaal-aragga ah oo uu golaha ammaanka ee midowga Afrika ka yeeshay la tacaalidda isbeddelka cimillada.