Baarlamaanka oo haysta ilaa 3-da bisha 11-aad si uu u turxaan bixiyo wasiirrada magacaaban

0
396

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa maanta sii wadaya kal-fadhiyadiisi caadiga ahaa.
Waxaa golaha hor yaalla in la soo dhiso guddiga qaabilsan magacaabidda si uu turxaan bixin ugu sameeyo xubnaha golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay madaxweyne William Ruto.
Guddiga magacaabidda ayaa turxaan bixinta ka dib baarlamaanka u gudbinaya warbixin loo baahan yahay in looga doodo muddo toddobo cisho gudaheeda ah.
Howshan ayaa la doonaya in la soo gabogabeeyo ugu dambeyn 3-da bisha 11-aad ee sanadkan.