Raila Odinga oo isbitaal la dhigay

0
828

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu soo warramayaa in la dhigay isbitaalka Nairobi Hospital.
Xubnaha qoyskiisa ayaa sheegaya in uu la soo darsay xanuun dhanka jirka ah iyo daal guud.
Warbaahinta maxalliga ee Citizen oo soo xigatay Oburu Odinga oo ay walaalo yihiin Raila ayaa sheegay in aan loo baahneyn in walaac la muujiyo.
Waxaa uu sidoo kale beeniyay in Raila uu haleelay cudurka COVID-19.
Mr. Oburu ayaa carrabka ku adkeeyay in cid kasta ay xanuunsan karto sidaas awgeedna in Raila Odinga isbitaal uu galo aynan ahayn arrin walaaceeda leh.