Bulshada qomiyadda Baajuunta ee ku nool gobolka Xeebta ee dalka ayaa doonaya in dowladda ay si buuxda u aqoonsato.
Waxaa ay sheegeen inay go’doon ku jireen tan iyo markii Kenya ay xornimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.
Cabashooyinka ay qabaan waxaa ka mid ah in dhulkooda lagala wareegay, warqadaha lahaanshaha oo loo diiday iyo in ay ku adag tahay helista dukumentiyada muhiimka ah sida kaarka aqoonsiga qaranka ee loo yaqaano ID.




