39 ka mid ah saraakiisha dambi baarista oo tababar loo sameynaya

0
637

Agaasime ku xigeenka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. Joseph Ashimala ayaa si rasmi ah u furay tababar saddex cisho soconaya oo la siinaya 39 ka mid ah saraakiisha waaxdan.
Tababarka ayaa ku saabsan baaritaannada lagu sameeyo dhaqaalaha ku baxo tahriibinta muhaajiriinta.
Agaasime ku xigeenka DCI-da ayaa dhanka kale midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee uu siiyo Kenya.
Waxaa uu xusay in ay tahay markii labaad 6 toddobaad ka dib oo la qabto tababar uu suurtageliyay midowga EU-da.
Mr. Gideon Kibunja oo ah agaasimaha waaxda dambi baarista dalka u qaabilsan dhinaca tababarada ayaa xubnaha ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan fursaddan ay u fidiyeen khuburo uu hor kacaya Frederick Bayard oo ah madaxa dhanka mashaariicda.